DHAGEYSO:Xildhibaanka Kiharu oo wacad ku maray in uusan booliska isu dhiibi doonin

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kiharu ee ismaamulka Murang’a Mr. Ndindi Nyoro ayaa wacad ku maray in uusan booliska isu dhiibi doonin kaddib rabshado Axadii ka dhacay deegaanka Kenol oo sababay dhimashada laba qof in kalena ku dhaawacmeen.
Xilli uu saaka waraysi siiyay Telefishinka maxaliga ee Citizen ayaa waxaa uu si adag isaga fogeeyay qalalaasihii dhacay.
Mudanaha ayaa ku adkeystay inuusan qori doonin warbixin ku saabsan rabshadaha.
Waxaa uu sheegay inuusan lug ku lahayn arrinti ka dhacday Kenol islamarkaana uusan helin warqadda loogu yeeray balse uu keliya barta twitarka ku arkay in la yiri ha la soo xiro.
Mr. Ndindi Nyoro ayaa intaa ku daray in dadka ay siyaasadda isku hayaan ay ka dambeeyaan qalalaasaha.
Abaanduulaha ciidamada booliska Kenya Mr. Hillary Mutyambai ayaa dhacdadaasi kaddib soo saaray amar xabsiga loogu taxaabaya xildhibaanada deegaanada Kandara iyo Kiharu ee ismaamulka Murang’a kaddib rabshadihii dhacay.
Waxaa uu xusay inay khasab tahay in la xiro Alice Wahome iyo Ndindi Nyoro oo lagu eedeyay inay qorsheyeen dhibaatadii labada qof ay ku dhinteen in kalena ku dhaawacmeen.
Dhanka kale qaar ka mid ah dhallinyarada ismaamulka Murang’a ayaa maanta dhigay isku soo bax nabadeed oo ay ku muujinayaan sida ay kaga xunyihiin rabshadihii maalmo ka hor la soo tabiyay

Saraakiisha ammaanka ayaa dhankooda sheegay in weli baaritaanada dhacdadan ku aaddan ay socdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here