DHAGEYSO:Xildhibaanka Lafey oo cambaareeyay weerarkii xalay ka dhacay Waranqara

Mudanaha laga soo doortay deeganaka Lafey ee ismaamulka Mandera Cabdi Mude Ibraahim ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku cambaareeyay weerar xalay lagu qaaday deegaanka hoose ee Waranqara.
Waxaa uu arrin murugadeeda leh ku tilmaamay in mar kale sarkaal ka tirsan ciidamada booliska keydka ee NPR weerar lagu dilay.
Mudanaha ayaa sheegay in kooxda weerarkaas gaysatay ay bartilmaameedsadeen qalabka isgaarsiinta ee shirkadda Safaricom oo ay doonayeen inay burburiyaan balse ciidamada keydka ay iska caabin sameyeen.
Mr. Cabdi Mude ayaa tacsi u diray qoyska uu ka baxay askariga dhintay iyo dhamaan shacabka Waranqara isagoo xusay inuu garab taagan yahay xilligan adag.
Saraakiisha ammaanka ayuu dhanka kale ugu baaqay inay tallaabo degdeg ah qaadaan oo ay gacanta ku soo dhigaan dadkii falkaasi oo uu qof shacab ah ku dhaawacmay ka dambeeyay.
Wakiilka deegaanka hoose ee Waranqara Axmad Gabnaan Cali ayaa weerarka dhacay uga warramay Jamal Axmad Cabdiraxmaan

 

Xildhibaanka ayaa dhanka kale cambaareeyay fal kufsi ah oo degmada Fino ee Lafey loogu gaystay laba gabdhood oo yaryar kuwaasoo uu sheegay in hadda lagu daaweynaya isbitaalka weyn ee Mandera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here