DHAGEYSO:Xildhibaano dalbaday in doorashada Hirshabeelle wakhtigeeda ku dhacdo

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya deegaan Doorashadooduna Tahay deegaanada Maamulka Hirshabeelle ayaa Dalbaday inay doorashada Maamulkaasi ku dhacdo Xiliga loogu Talo galay sidoo kalena aan loo baahnayn wax mudo kororsi ah oo ay Sameeyaan Xubnaha hada Xilalka Haya.
Xildhibaanada ayaa Xusay in Xilka ugu sareeya Maamulka Hirshabeelle ee Madaxweynaha uu qofkasta Xaq u leeyahay una tartami karaan dhamaan Siyaasiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulkaasi,ayagoo madaxweynaha hadda Xilka haya ee Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ku eedeeyay inuu ka shaqaynayo Dib u dhac ku yimaada Jadwalka doorashada maamulkaasi.
Xildhibaanadaan ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxay ku taageereen Jadwalka Doorashada ee ay Soo saareen guddiga doorashooyinka Hirshabeelle ee dhawaan uu maagcaabay Madaxweyne Waare kuwaasoo Qeexay habraaca Doorashada Madaxweynaha iyo Tan Baarlamaanka labadaba.
Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamadiid ayaa warbaahinta u akhriyay war-Saxaafadeedka ay soo saareen Xildhibaanada Kulanka ku yeesha magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here