DHAGEYSO:Xildhibaano eedeeyay Madaxweynaha hirshabeelle

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabelle oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulkaas inuu diiday inay waxka weeydiiyaan qaabka loo isticmaalay lacagtii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay dhawaan.
Xildhibaan Aadan Cabdi Faarax Kaladire oo kamid ah Xildhibaannada warbaahinta la hadlay ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare inuusan Bulshada la wadaagin halka ay martay lacag dhan 142,000 KUN oo Dollar oo dowladda Soomaaliya ugu talo gashay waxka qabashada fatahaadaha deegaannada Hir-Shabeelle gaar ahaan Magaaladad Beledweyne.
Waxaa uu Xildhibaanka shaki geliyay in lacagtaas ay ku jirto Gacanta Madaxweyne Waare,waxaana Madaxda Dowladda Federaalka uu ugu baaqay inay u soo dirto Guddi baarayaal ah.
Sidoo kale waxaa uu intaas ku daray in dowladda federaalka ay horay mas’uuliyiin ugu xirxirtay fal la xiriira musuq maasuq,balse Maamulka Hir-Shabeelle muddo saddex Sano ah uu ka jiro musuq sida uu hadalkiisa u dhigay.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa hora bartiisa Twitteter-ka ugu daabacay in lacag loogu talo galay gurmadka fatahaadaha Magaalada Beledweyne ay ka heleen dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here