DHAGEYSO:Xildhibaano ku kala aragti duwan arinta Soomaaliland

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya ayaa ku kala aragti duwnaaday arimaha la xiriira Soomaaliland.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay inuusan ku qanacsanayn sida Madaxda Dowladda qaranka Soomaaliyeed u wajahayaan Soomaaliland si loo xaliyo tabashada ay qabaan dadka kunool gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.
Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye sheegay in Soomaaliland Siyaasadeeda ay iyaga kaliya isku koobeen oo laga maamulayo Gobaha fadhi ku diriryada, hayeeshee loo baahan yahay inay Adduunka la qeyb sadaan ayna ku hanaa jiho mida had aka duwan Sida uu xusay.
hadalkaas Wasiir Maareeye waxaa ka jawaabey Xildhbaan Xuseen Carab Ciise oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddiga difaaca Golaha,wuxuuna sheegay in hadalka Wasiir Maareeye uu yahay mid aad looga xumaado loogana baahan yahay inuu raali gelin ka bixiyo.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay tahay meel dimuqraadiyad buuxda ay ka jirto dhowr marna ay ka dhaceen doorashooyin qof iyo Cod ah, ay yihiin dadka Soomaaliland kuwo tashaday oo amnigoda hagaajistay halka Soomaaliya aysan wali waxyaabo badan ku guulaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here