DHAGEYSO:Xildhibaano sheegay inay dalka Soomaaliya gaarsiinayaan Doorasho cod iyo qof ah

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa kulan ku yeeshay Xildhibanao ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo sheegay inay ka Shaqeynayaan sidii dalka loo badbaadn lahaa sidoo kalena ay u dhici laheyd doorasho qof & Cod ah oo shacabka Soomaaliyed ay soo doortaan Hogaankooda.
Xildhibaannada oo tiro ahaan lagu sheegay inay gaarayeen in ka badan 50 Xubnood ayaa waxaa kamid ahaa Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda xilka siiheysa,waxaana ay shaaciyeen inay muhiim tahay in Baarlamaanka Soomaaliya la mideeyo si ay ugu shaqeeyaan howlaha horyaalo oo ay ugu Horayso in dalka la gaarsiiyo Doorasho qof iyo Codkiisa ah.
Xildhibaan Maxamuud Axmed Ciise (Runsheeg) oo warbaahinta u Akhriyay Warka kasoo baxay Kulanka Xildhibaannada ayaa sheegay inay isugu yimaadeen sidii ay u samata bixiyaan lahaayeen dalka ayagoo ka Shaqeeya Gaarista doorasho qof & Cod ah,isla markaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay mideeyaan.
Waxaa uu sheegay inay doonayaan inay dalka ka badbaadiyaan qatar ay sheegeen inay kusoo fool Yeelan karto,sidoo kalena shirarka ay uga hadlayaan xaalada dalka iyo doorashooyinka ay sii wadi doonaan.

Hadalka Xilidhibaanadaan ayaa imaanaya ayadoo Siyaasiyiinta Soomaaliya qaarkood ay horay u sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu doonayo muddo kororsi sida ay hadlkooda u dhigeen Walow aysan Jirin meel uu madaxweynuhu ku sheegay inuu mudo ku darsanayo markastana uu ku celceliyo inay dhacayso doorasho qof iyo Codkiisa ah.
Dadka arimaha siyaadada u dhuun duleela ayaa sheegay in Xildhibaannada shiray ay u muuqdaan kuwa doonaya in waqti loogu daro muddo xileedka Dowlada hada Jirta oo ku eg 8-da Bisha Febaraayo ee snadka 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here