DHAGEYSO:Xirnaanshaha wadada u dhexays Muqdisho iyo Afgooye oo saamayn ganacsi ay ka dhalatay

Waxaa dib loo bilaabay dhismaha iyo dayactirka wada isku xirta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomalaiya iyo degmada Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose balse waxaa dhanka kale la sii xiray wadadaas oo aysan jirin cid isticmaali karta maadaama meelo horleh laga jaray wadadaasi.
Sidoo kale waxaa hakad galay noocayada Khudaarta ee ka imaan jirtay gobolka shabeelada hoose deegaanadiisa kala duwan kadib markii wabiga shabeelle uu ku fatahay deegaano badan oo ka mid ah dhul beereedka gobolkaas.
Fatahaada wabiga shabeelle oo ka sameeyay gobolka shabeelada hoose gaar ahaan Magaalada Afgooye iyo deegaanada hoose yimaada ayaa sidoo kale Saameeyay magaalada Muqdisho waxaan aad u yaraatau khudaartii Caasimada kaga imaan jirat gobolka shabeelada Hoose.
Suuqyada Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in laga dareemayo sare u kaca qadaarta noocyadeeda kala duwan waxayna ganacsatadu arintaas u aaneeyeen fatahaada wabiga ee gobolka shabeelada hoose iyo wada isku xirta muqdisho iyoa fgooye oo xiran.
Gaadiidkii Magaalada Muqdisho keeni jiray qudaarta ayaa waxay ku xaniban yihiin Magaalada Afgooye taasoo keentay in qaymaha qudaartu sare u akcday sida ay sheegeen ganacsatada qudaarta ee suuqyada magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here