DHAGEYSO:Xisbiga Jubilee oo u digay siyaasiyiinta ka tirsan ee mucaaradaya

Xoghayaha guud ee Jubilee Mr. Raphael Tuju

Xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta xubnaha ka ah ee aan daacadda u ahayn.
Xoghayaha guud ee Jubilee Mr. Raphael Tuju ayaa digniintan soo saaray.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in siyaasi kasta oo lagu soo doortay tikeedka xisbiga ama la soo magacaabay ay Khasab tahay inuu ilaaliyo habdhaqanka wanaagsan ee laga doonayo .
Mr. Tuju ayaa ku nuuxnuuxsaday inaan marnaba laga gaabin doonin in tallaabada ku haboon laga qaado cid kasta oo sameysa fal aan ku qotomin mabaadi’da u degsan xisbiga .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here