DHAGEYSO:Xisbiga ODM oo dhaliilay Musalia Mudavadi

Siyaasiyiinta xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa si adag u dhaliilay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi .
Mr. Mudavadi oo ka mid ah hoggaamiyaasha sar sare ee urur weynaha mucaaradka Nasa ayaa su’aal geliyay ujeedadii laga lahaa kulankii 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhex maray madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.
Kulankaasi iyo isqacanqaad xigay ayaa dejiyay xaaladdii siyaasadeed ee xilligaasi wadanka ka jirtay oo ahayd mid kacsan kaddib doorashooyin lagu kala qeybsamay.
Mr. Mudavadi ayaa horay u sheegay inuunan ka warqabin sidii ay ku dhacday in labada mas’uul ay kulmaan oo ayna heshiiyo dhowr ah gaaraan.
Hasa ahaate xilli uu toddobaadkan gudihiisa warbaahinta kula hadlay Maraykanka ayuu Mudavadi sheegay in sida uu hadalka u dhigay Uhuru iyo Raila ay kulmeen si mid waliba uu shakhsi ahaan uga faaiido isafgaradkaasi taasi oo hadda siyaasiyiinta ODM ay ka soo horjeesteen iyagoo ugu baaqay in haddii uunan ku faraxsaneyn ka mid ahaanshaha mucaaradka Nasa uu xor u yahay inuu isaga baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here