DHAGEYSO:Xisbiga ODM oo ku hanjabay in NASA aynan sii jiri doonin

Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay Raila Odinga ayaa ku hanjabay inuu qaadayo tallaabo sharciyeed oo ka dhan ah xisbiyada kale ee ka tirsan urur weynaha mucaaradka Nasa.
Arrintan ayaa timid kaddib markii ANC iyo Ford Kenya oo NASA ka tirsan ay soo saareen musharaxiin ku matalaya doorashada ku celiska ee deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi.
Xoghayaha guud ee xisbiga ODM, Edwin Sifuna ayaa xilli olole siyaasadeed uu ku qabanayay deegaankaasi waxaa uu hoosta ka xarriiqay in doorashada kaddib ay guda galayaan qorsho lagu jabinayo NASA.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu oggolaansho ka helay madaxa mucaaradka Raila Odinga sidaasi awgeedna uu saxiixi doono tallaabo looga laabanayo heshiis ay xisbiyada siyaasadeed ee ka wada tirsan a Nasa ay horay u wada galeen.
Mr. Sifuna ayaa ku doodaya inaynan daacadnimo iyo wada shaqeyn muujinaynin in ANC iyo Ford Kenya ay musharax u soo istaajiyaan deegaan ODM ay taageero xooggan oo siyaasadeed ku leedahay.

 

Toddobada bisha koow iyo tobnaad ee sannadkan ayaa la qorsheeyay in Kibra ay ka dhacdo doorasho ku celis ah kaddib markii cudurka Kansarka uu u geeriyooday xildhibaankii codbixiyayaasha deegaankaasi baarlamaanka ku matalayay Mr. Ken Okoth.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here