DHAGEYSO:Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliya oo Gudbiyay Dacwad ka dhan ah sharciga doorashooyinka

Xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan

Xildhibaanad Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka tirsan Golaha Shacbaka sidoo kalena kamid ah hoggaanada xisbiyada mucaaradka ee Soomaaliya kajira ayaa sheegtay in Maxkamadda sare ay u gudbiyeen dacwad ka dhan ah Sharciga doorashoyinka qaranka ee ay labada aqal ansixiyeen sidoo kalena uu Madaxweynuhu saxiixay.
Waxaa ay sheegtay Xildhibaan Fowsiya in sharcigaan uu kasoo horjeedo Dastuurka Soomaaliya laguna deg degay ansixintiisa Baarlamaanka labada Aqal iyo saxiixa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxay intaas ku dartay Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan inay kasoo horjeedaan in dalka lagu sii dhaqo nidaamka 4.5 isla markaana ay doonayaan in dadka Soomaaliyeed ay isku xaquuq noqdaan.

Hadalka Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli horay sharciga ay Baarlamaanka labada Aqal ansixiyeen Madaxweyne farmaajana uu ansixiyay ay kagasoo horjeesteen Maamulada Puntland & Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here