DHAGEYSO:Xisbiyada siyaasadeed oo soo bandhigay go’aankooda ka dhan ah in dastuurka la beddelo

Waxaa dalka ka jirta hadal hayn ku aaddan hindise sharciyeedka uu hor kacayo madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ee lagu doonayo in wax looga beddelo dastuurka dalka u degsan.
Ololahan ayaa loogu magacdaray Punguza Mzigo oo ay micnaheedu tahay culeyska hala yareeyo.
Waxyaabaha hindise sharciyeedkan uu soo jeedinayo waxaa ka mid ah in la yareeyo tirada xildhibaanada baarlamaanka iyo wakiilada golayaasha hoose ee ismaamulada.
Dr. Ekuru Aukot ayaa sido kale qabo in meesha laga saaro xilalka siyaasiyiinta sida magacaabidda ah ku galo golayaasha sharci dejinta.
Waxaa uu ku doodaya in dowladda uu qarash badan uga baxo mushaaraadka mas’uuliyiinta tirada badan sidaasi awgeedna la joogo xilligii Kenyaanka laga dulqaadi lahaa culeyska saaran.
Hasa ahaate olalaha uu Dr. Aukot wado ayaa waxaa ku gacan seyray qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka sida Kalonzo Musyoka, Raila Odinga iyo Aadan Barre Ducaale.
Hoggaamiyaha Thirdway Alliance ayaa dhankiisa ku howlan in wakiilada golayaasha ismaamulada uu ka dhaadhiciyo inay hindise sharciyeedkan ansaxiyaan balse waxaa dhanka kale jiro farriin taasi ka duwan oo ay jeedinayaan siyaasiyiinta isbeddelkan diiddan

 

Siyaasiyiinta ololahan ka soo horjeeda ayaa qaar ka mid ah ku andacoonaya inaan si buuxda looga qeyb gelinin shacabka halka kuwa kalena ay sheegayaan inuu dib u dhac u horseedayo wadanka oo uuna hakad gelinayo horumarkii lagu tallaabsaday tani iyo markii uu dhaqangalay nidaamka dowlad wadaajinta.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC uu sheegay inuu xaqiijiyay sido kalena ansaxiyay 1.2 milyan oo saxiixyo ah oo la soo arruuriyay kuwaasi oo lagu taageerayo in dastuurka wax laga beddelo.
Hindise sharciyeedka muranka dhaliyay ayaa hadda loo gudbinaya ismaamulada si ay wakiilada laga soo doortay deegaanada hoose u eegaan haddii ay ku qancaanna u meel mariyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here