DHAGEYSO:Xisbiyada Soomaaliya oo ku baaqay in loo Gurmado dadka fatahaaduhu ku Saameeyeen shabeelada hoose

Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya oo shir deg deg ah ku yeeshay aalada la iska arko ee Zoomka ayaa soo saray farriin la xiriirta xaaladda fatahaaddaha ee gobolo ka mid ah Soomaaliya waxayna la wadaagteen Dowladda Federaalka iyo Maamulada xubnaha ka ah inay lagama maarmaan tahay in gurmad la gaarsiiyo dadka ay Saamaynti soo gaadhay.
Madasha Xisbiyadda ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in si deg deg ah loo caawiyo Shacabka Magaalada Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose iyo deegaanada hoos yimaada kuwaasoo biyo baxado aad u saamaysay sidoo kalena ay qoysas badan ka barakaceen guryahood dallaga beeraha ay daadadku qaadeen.
Waxay sidoo kale sheegeen inay dhankooda ka qeyb qaadanayaan gurmadka dadka ku dhibaateysan degmada Afgooye iyo deegaanada kale ee fatahaadu Saamaysay.
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda gar-gaarka iyo maaraynta musiibooyinka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Kumanaan Qoysas ah oo ku noolaa Degmada Afgooye iyo guud ahaan deegaano Gobolka Shabeellada hoose ka tirsan ay saamayn ba’an ku yeelatay fatahaadda Webiga Shabeelle uu halkaas ka sameeyay.
Wasaaradu waxay sheegtay in Degmada Afgooye ay ka barakaceen 300 Qoys, halka Tuulooyinka Irdoole, Balbaley, Ballow, Jambaluul, Mareeray, Sabiib iyo Caanoole, ay Guryahooda ka baxeen 1500 oo Qoys sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka dowlada Soomaaliya Xamza Saciid Xamza.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here