DHAGEYSO:Xoghayaha barlamaanka Soomaaliya oo faahfaahiyay dhismaha Xarunta golaha shacabka.

Baarlamaanka fedraalka Soomaaliya oo horay ugu shiri jiray guriga umada ayaa hada waxaa lo wareejiyay xarunta Villa Hargaysa oo ah xarunta gaarka ah ee gudoonka iyo gudiyada Baarlamaanka maadamaa xarunta weyn ee baarlamaanka Soomaaliya dib u dhis iyo Casriyayn lagau samaynayo.
Kulanka ugu horeeya ee Kalafadhiga lixaad baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay lagu bilaabay xarunta Villa Hargaysa oo loo dhisay sida Baarlamaada Casriga ah.
Xaruntaan ayaa waxaa dhistay shirkada TIKA oo laga leeyahay Dalka Turkiga waxayna leedahay Hallka Shirarka Baarlamaanka iyo qaybo kala sida uu Faahfaahinay xog-hayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya C/kariim Xaaji Cabdi buux.

 

Maadaama howlaha golaha shacabka Soomaaliyeed loo wareejiyay dhismahaan Cusub ayaa hadana waxaa dib u dhis baaxadleh lagu samaynayaa Guriga umada oo ah xarunta rasmiga ee baarlamaanka Soomaaliya ayana ku wada shiri doonaan labada gole ee baarlamaanka.

Kadib marka la dhameeyo dhismaha dhawaan lagu bilaabi doono guriga umada waxay Xaruntaa hada uu baarlamaanka sida KMG ah ugu shaqaynayo noqon doontaa machada Daraasaad oo uu goluhu leeyahay taasoo Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka Soomaaliya iyo howlwadeenada kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here