DHAGEYSO:Xoghayaha COTU oo ku baaqay in la kala diro xubnaha guddiga musharaadka ee SRC

Xoghayaha guud ee dalladda ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU , Mr. Francis Atwoli ayaa soo jeediyay in la kala diro xubnaha guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC.
Waxaa uu guddigan ku eedeynayaa inuu ka tallaabsaday waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Tani ayaa timid kaddib markii SRC ay warqad u qortay golaha barasaabyada ismaamullada ee COG iyadoo ka digaysa lacago gunnooyin ah oo la siiyo howlwadeenada caafimaadka.
Guddiga musharaadka ayaa ku doodaya in tallaabadan oo lagu dhaqaaqo ay ka dhalan karto sinnaan la’aan.
Mr. Atwoli ayaa go’aanka SRC ku tilmaamay mid aan sharciga wadanka u degsan waafaqsaneyn sidaas awgeedna la doonayo in guddigan meesha laga saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here