Xoghayaha guud ee KMPDU oo laga helay COVID19

Xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) Dr. Chibanzi Mwachonda ayaa laga helay cudurka COVID19.
Bayaan uu soo saaray saacado ka hor ayuu arrinkan shaaca kaga qaaday.
Waxaa uu xoghayaha dhanka kale xusay in uu ku dhacay cudurka xilli uu ku guda jiray howlihiisa shaqo isagoo intaa ku daray in xaaladdiisa caafimaad iyo midda qoyskiisa ay wanaagsan tahay.
Sido kale Dr. Chibanzi ayaa hoosta ka xarriiqay in hadda uu ku jiro meel gaar ah dhammaana dadkii ay si dhow u wada macaamileen lagu raad joogo.
Xoghayaha ayaa cadeeyay in tirada badan ee ka bogsatay cudurka ay ku beerayso rajo ah in Kenya ay ku guuleysan doonto dagaalka ka dhanka ah cadowga qorsoon ee coronavirus.
Dowladda ayuu ku boorriyay inay taageerto shaqaalaha safka hore kaga jiro wax ka qabashada cudurka COVID19.
Waxaa uu dhanka dowladda ugu baaqay inay bixiso qalabka loogu talagalay in dhakhatiirta ay uga badbaadaan fayraska coronavirus ee loo yaqaano ( PPEs).
Dhanka kale madaxa caddaalada ee dalka Mr. David Maraga ayaa amray in albaabada la isugu dhufto maxkamadda Githongo ee bartamaha deegaanka Imenti ee ismaamulka Meru kaddib markii afar qof oo lagu hayo saldhigga booliska ee Kariene oo dhawaan la geeyay maxkamadda looga shakiyay cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here