DHAGEYSO:Xoolo dhaqatada dalka oo sheegay in ay taagerayaan warbixinta BBI

Siyaasiyiinta laga soo doortay ismaamullada xoolo dhaqatada dalka ayaa maanta shir jaraaid oo ay qabteen ka sheegay inay taagersan yihin warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Madaxdan oo ay ka mid yihiin barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba, xildhibaanka deegaanka Ceeldaas Aadan Keynaan Weheliye, wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Gedi Cali , hoggaamiyaha aqlabiyadda aqalka sare ahna senatarka ismaamulka galbeedka Pokot Samuel Poghisio ayaa xusay inay jiraan tabashooyin ay qabaan balse aysan micnaheedu ahayn in ay mucaaradeen warbixinta.
Mas’uuliyiintan oo la kulmay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in ilaa afar mar ay ka shireen sidii danaha xoolo dhaqatada loogu tixgelin lahaa warbixinta kama dambeyska ah.
Xildhibaanka deegaanka Ceeldaas Aadan Keynaan ayaa ku nuuxnuuxsaday in madaxda xoolo dhaqatada aysan ku kala qaybsanayn arrimaha BBI.
Mr. Odinga ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay in tabashooyinka siyaasiyiintan la tixgelin doono.
Madaxa fulinta ee dalladda horumarinta ismaamullada xoolo dhaqatada ee FCDC horayna u soo noqday guddoomiye ku xigeenkii ismaamulka Isiolo Maxamad Guuleed ayaa warbaahinta Star uga warramay mowqifkooda.

Waxaa sidoo kale go’aanka siyaasiyiinta xoolo dhaqatada dalka ka hadashay senatarka Isiolo Faduma Duulo oo sheegtay in aan loo baahneyn in geedisocodkan la siyaasadeeyo.

Waxay tani ku soo aadaysaa maalmo un kaddib markii siyaasiyiin ay hor kacayeen Cali Roba iyo xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ay shuruudo ilaa 11 qodob ah ay ku xireen taageeridda dhaqangelinta warbixinta BBI.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here