DHAGEYSO:Xubnaha baralamaanka iyo senetarada dalka oo cadeeyay inay taagerayaan BBI-da

Xubnaha aqalka baarlamaanka ee dalka iyo golaha guurtida ama senetarada waxaa ay shaaciyeen inay taagerayaan BBI-da ka dib markii ay maanta kulan la yeesheen madaxweynaha dalka Mudane Uhuru Kenyaatta.
Bayaan uu aqriyay hogaamiyaha laga tirada badanyahay aqalka Senate- James Orengo ayuu ku sheegay inay si weyn u taagerayaan mideynta kenyaanka.

Kulan maanta ay isugu yimaadeen hogaamiyaal magaalada Naivasha oo ayna hogaaminayeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayay ku cadeeyeen baarlamaanka iyo senetaradda inay ku faraxsan yihiin hanaanka dalka lagu doonayo in lagu mideeyo.
in ka badan 70 xildhibaan iyo senetaro ayaa sheegay inay gacan siinayaan hogaamiyaasha garwadeenka ka ah BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here