Dhageyso:Xukuumada Soomaaliya oo loogu baaqay inay dalka Doorasho Gaarsiiso.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Fedraalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Xalay ka hadlayay Munaasabad Casho sharaf ah oo uu Ra’isulwasaare Rooble u Sameeyey Baarlamaanka ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen rooble laga doonayo doorasho loo wada dhan yahay.
Waxaa uu sheegayGuddoomiye Mursal inay muhiim tahay in sanadka 2021 dalka laga qabto doorasho si nabadgelyo ah ku dhacda, hadii ay dadaalkaas bixiyaan Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare rooble.
Waxaa uu intaasi ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu mar walba diyaar u ahaa in la qabto doorasho la wada ogol yahay, hayeeshee wada-hadallo dhowr ah oo dhacay, kaddib la isku raacay in la qabto doorasho dad badan.
Xukuumada cusub ayuu bogaadiyay sidoo kalena wuxuu amaanay inay si dhaqso ah ula wareegeen Xilalkooda wasiirada Cusub iyo kuwa loo kala bedalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here