DHAGEYSO:Xukuumadda cusub ee Soomaaliya oo lagu dhawaaqay

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xalay waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo maalmihii la soo dhaafay laga sugayay.
Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay ayaa u badan Xubnihii Golihii Wasiirada Xukuumadii Ra’isulwasaarihii hore Xassan Cali Kheyre, waxaana Golaha Wasiirada ee Xalay la shaaciyay aan ka soo muuqan oo laga tegay Wasiiro dhowr ah oo ay ka mid yihiin, wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirkii hore ee Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xersi Warfaa kuwaasoo sidoo kale ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Wasiirka Koowaad ee dalka Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqeyn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaasoo ay ugu horreeyaan qabsoomidda doorashada iyo adkeynta amniga .
Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qeybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirrada inay noqdaan masuuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here