DHAGEYSO:Xukuumadda soomaaliya oo dardar gelinaysa diyaarinta Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee dowladda federaalka soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macallim Xasan iyo maareeya ku-xigeenkiisa, Sheekh Jaamac ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socota hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka (ICAO) oo uu kamid yahay khabiir loo soo diray in dowladda soomaaliya uu ka caawiyo dib-u-dhiska iyo Qorista sharciga hay’adda duulista Soomaaliyeed.
Kulanka dhex maray hay’adda caalamiga ah ee duulista rayidka, wasaaradda duulista iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa aad looga dooday dedejinta qorista sharciga hay’adda duulista oo dowladda u ogolaanaya in ay diiwaan geliso diyaaradaha iyo duuliyaasha iyo in ay qabato dhammaan howlaha muhiimka u ah duulista.
Hay’adda caalamiga ah ee duulista Rayidka ayaa dowladda soomaaliya ka taageeraysa Diyaarinta Shuruucda.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhamystirka qorshaha ay dowladda Soomaaliya ugu soo wareegayaan shaqaalaha ka shaqeeya hay’adda duulista Soomaaliyeed sida uu faahfaahinayo wasiir oomaar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here