DHAGEYSO:Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in guddoomiyaha aqalka sare uu noqday hoggaamiye mucaarad ah

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Markii ugu Horaysay Waxay ka Hadashay khilaafka soo shaacbaxay ee u dhexeeya Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi C/laahi iyo Villa Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed Qadar ayaa ku Tilmaamay guddoomiyaha Aqalka Sare inuu u muuqdo Hoggaamiye Mucaarad ku ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wuxuuna Sheegay Mahdi guuleed inuu Guddoomiyaha Aqalka Sare Bilihii ugu danbeeyay uu si is daba joog ah u soo saarayay qoraalo kala duwan oo uu dowladda ku durayay, taasina ay muujinayso inuu Yahay Hoggaamiye Mucaarad ah.
Sidoo kale Ra’isulwasaare Ku xigeenka Soomaaliya Mahdi gulled wuxuu sheegay inuu Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi uu hoos u dhigay sharciyada Golaha Xeer Dajinta iyo waliba awoodii Baarlamaanka isagoo ku eedeeyay inuu Khilaaf ka dhex abuuray Xildhibanada Labada Aqal ee Baarlamanaka Federaalka Soomaaliya.
Kuwaasoo uu sheegay inaysan wada shaqayn wanaagsan yeelan labadii Sano ee la soo dhaafay.

Hadalka ku xigeenka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo adayaa ayadoo dhawaan uu guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu soo saaray warqad uu ku dhaliilsan yahay gudiga doorashada iyo Xallinta Khilaafaadka ee dhawaan uu Soo magacaabay Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Wuxuuna sheegay in Xubnaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowday soo xulista Xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ama Soomaaliland aan loo Marin qaab Sharci ah sida uu hadalkiisa u dhigay guddoomiyaha aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here