Dhakhaatiirta daawooyinka bixiya ee Nairobi oo shaqa joojin billaabaya

Waxaa uu qorshuhu yahay in maanta ay shaqo joojin ku dhaqaqaan howlwadeenada caafimaadka ee u xilsaaran bixinta daawooyinka la siiyo bukaannada daryeelka caafimaad u raadsada isbitaalada caasimadda wadanka ee Nairobi.
Ururka ay dhakhaatiirtan ku mideysanyihiin ee KUCO iyo dalladda guud ee kalkaaliyayaasha wadanka ayaa sheegay in laga bilaabo maanta oo Talaado ah ay dhigayaan qalabka ay ku shaqeyaan.
Waxay dowladda ismaamulka Nairobi ku eedeynayaan inay iska dhaga tirtay cabashooyin ay u gudbiyeen oo ayna ka gaabisay in lacago gunnooyin ah ay siiso in kastoo miisaaniyaddaasi uu ansaxiyay golaha hoose ee ismaamulka Nairobi.
Howlwadeenada ayaa ku doodaya in tan iyo markii arrimaha caafimaadka la daadajiyay ay caqabado dhowr ah la kulmeen.
Qodobada ay dalbanayaan in si buuxda loo dhaqangeliyo waxaa ka mid ah in dallacsiin loo sameeyo.
In ka badan 83 ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Nairobi ayaa laga cabsi qabaa inay saameyso shaqo joojinta dhakhaatiirta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here