Dhakhaatiirta daawooyinka bixiya oo shaqa joojin ku hanjabay

Dalladda ay ku mideysanyihiin dhakhaatiirta bixiya daawooyinka ayaa wacad ku maray inay shaqa joojin ku dhaqaaqayaan.
Waxay cabasho ka muujinayaan inaan wax laga qaban arrimo ay tabanayaan oo dhinaca shaqada ah.
Gudoomiyaha ururkan Peterson Wachira ayaa sheegay inaynan iska xaadirin doonin goobahooda shaqo haddii aan la tixgelin cabashooyinkooda.
Dowladda ayay u qabteen muddo 14 cisho ah , waxyaabaha ay dalbanayaana waxaa ka mid ah in ardayda culuunta caafimaad soo bartay ee shaqeynaya mushaar la siiyo.
Mr. Wachira ayaa hoosta ka xarriiqay inaan lacagahaasi la bixin iyadoo wasaaradda dowladda loo kordhiyay miisaaniyadda dhaqaale.
Sido kale waxay dhakhaatiirta dalbanayaan in la saxiixo heshiis mushaar kordhin oo gorgortan ku saleysan kaddibna maxkamadda laga diiwaangeliyo.
Dhakhaatiirta ayaa sido kale doonaya in si buuxda loo dhaqangeliyo dallacsiin horay loogu ballanqaaday iyo bixinta lacago ka maqan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here