Dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada oo sheegay in ay shaqo joojin sameynayaan

Ururka ay ku mideysan yihiin howlwadeenada caafimaad ee qaabilsan bixinta daawooyinka ee (KUCO) ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan ay 17 cisho kaddib ay shaqo joojin ku dhaqaaqi doonaan.
Waxay cabasho ka muujin in aan mudnaanta koowaad la siin daryeelka iyo badbaadada dhakhaatiirta.
Xoghayaha guud ee ururkan ,George Gibore ayaa xusay in dowladda dhexe iyo ismaamullada ay u muuqdaan inaysan si buuxda ugu diyaar garoobin wax ka qabashada cudurka.
Gibore ayaa intaa ku daray in afar ka mid ah xubnaha ururka KUCO ay ka midnoqdeen 30 dhakhaatiir oo ilaa iyo hadda gudaha wadanka ugu dhimatay cudurka.
Waxaa uu ku doodayaa in dhimashadan laga badbaadi lahaa hadii dowladdu ay tixgelin lahayd talooyin ay u gudbiyeen oo ahaa in la fasaxo howlwadeenada da’ada ah , haweenka caafimaadka ka shaqeeya iyo kuwa qabo xanuunada gaarka ah oo uu cudurka COVID-19 ku yeeshay saameynta ugu badan.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dalladda dhakhaatiirta ee KMPDU ay sheegeen in ay 21 kaddib shaqo joojin sameynayaan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here