Dhakhaatiirta dalka oo ka soo horjeestay qorsho la doonayo in la dhaqangeliyo

Ururada dhakhaatiirta dalka ayaa diiddan in lagu tallaaba qaado qorsho istaraatiiji ah oo ay soo saartay wasaaradda caafimaadka.
Waxay ku doodayaan inaan laga qeyb gelin geedisocodka howshaasi.
Xoghayaha guud ee ururka howlwadeenada caafimaadka dalka ee KMPDU Dr. Ouma Oluga ayaa warqad uu u qoray agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka waxaa uu faahfaahin uga bixiyay sababta ay qorshahan uga soo horjeedaan.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in dokumeentigan isaga ah aan lala wadaagin si ay aragtidooda ugu biiriyaan sido kalena aan wax wada tashi ah lala sameynin.
Dr. Oluga ayaa intaasi ku daray inaynan diyaar u ahayn taageeridda qorsho taabanaya arrimaha tababarka , shaqaleysiinta iyo horumarka guud ee howlaha caafimaadka iyadoo aan dhakhaatiirta laga qeyb gelin.
Qorshahan oo ka kooban 179 bog ayaa looga gol leeyahay in la isku dubarido qaabka dowladda dhexe iyo ismaamulada ay u maareyaan arrimaha shaqaalaha caafimaadka.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dhankeeda ku adkeysanaysa in barnaamijkan uu meel gabagabo ah marayo oo dhawaan la dhaqangelin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here