Dhakhaatiirta dalka oo laga baari doono Coronavirus

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in baaritaano lagu sameyn doono dhammaan howlwadeenada caafimaadka ee dalka.
Mr. Mutahi Kagwe , wasiirka wasaaradda caafimaadka ee wadanka ayaa sheegay in ujeeddada arrintan laga leeyahay ay tahay in la xaqiijiyo in saraakiisha bixiya adeegyada caafimaadka aan loo gudbin cudurka ay bukaannada ka daaweynayaan ee Covid-19.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in baaritaannadan ay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabanayaan.
Waxaa uu intaa ku daray in barnaamijkan lagu bartilmaameedsan doono qof kasta oo adeeg caafimaad fidiyo hadii uu Dowladda u shaqeeya iyo hadii uu ka howlgalo xarun si gaar ah loo leeyahay labaduba.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday inay lagama maarmaan tahay in laga hor tago in dhakhtar qudiisa qabo cabauqa Coronavirus uu qof shacabka daaweeyo lagana yaabo inuu u gudbiyo cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here