Dhakhaatiirta dalka oo soo saaray digniin shaqo joojin ah

Howlwadeenada caafimaadka ee dalka ayaa sheegay in saddex toddobaad kaddib ay shaqo joojin ku dhaqaaqayaan .
Dowladda ayay ku eedeynayaan inay dayacday oo aysan siin agab ku filan oo ay kula dagaalami karaan cudurka COVID-19.
Ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa sheegay in xubnaha ka tirsan ay shaqo joojin sameyn dooaan 21 cisho kaddib hadii dowladdu aysan wax ka qaban tabashooyinkooda.
Xoghayaha guud ee KMPDU , Chibanzi Mwachonda ayaa sheegay in sideedii bilood ee ugu dambeysay ay xiriiro la sameynayaan dhammaan wasaaradaha iyo waaxyaha dowladda , golaha guddoomiyaasha ismaamullada ee CoG iyo baarlamaanka.
Waxaa uu intaa ku daray inay adeegsadeen dhammaan qaababka shaqaleysiinta iyo xiriirka la macaamilka shaqaalaha si xal loogu helo dhibaatooyin ay saraakiisha caafimaadka ka cabanayaan.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in ay miiska ka saareen shaqo joojin balse ay hadda dantu ku khasabtay inaysan iska xaadirin isbitaallada.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha dalka cudurka COVID-19 ugu dhintay ugu yaraan 30 dhakhaatiir oo ay ku jiraan 10 lahaa takhasusyo sare.
Saraakiisha caafimaad ee cudurka COVID-19 u dhintay waxaa ka mid ah Dr Adisa Lugaliki ,Dr Ndambuki Mboloi ,Dr Daniel Alushula ,Dr Vladimir Schuckin ,Dr. Hudson Inyangala ,Dr Emarah Ashraf ,Dr Robert Ayisi ,Dr. Hudson Alumera ,Dr Faith Mbuba iyo Dr Jackline Njoroge .
Xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU, Chibanzi Mwachonda ayaa wasaaradda caafimaadka ku dhaliilay inaysan dardargelin sidii saraakiisha caafimaadka guud ahaan dalka ay ku heli lahayeen agabka la isaga difaaco cudurka ee (PPEs).
Mwachonda ayaa wasiirka wasaaradda caafimaadka Mutahi Kagwe iyo xoghayaha joogtada ah Susan Mochache ku eedeyay inay iska dhaga tirayaan cabashada dhakhaatiirta.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayay ka codsadeen inuu tallaabo degdeg ah qaado.
Sida lagu xusay bayaan la soo dhigay barta rasmiga ee twittarka KMPDU , waxaa xoghayaha uu soo saaray ilaa toddobo qodob oo ay dalbanayaan in la fuliyo waxayna kala yihiin.
In dhammaan isbitaallada ku yaalla wadanka loo qaybiyo agabka PPES ee looga badbaado cudurka oo tayo ahaan wanaagsan sidoo kalena ku filan dhakhaatiirta.
In howlwadeenada oo dhan ay helaan caymiska caafimaad oo dhameystiran.
In magdhow la siiyo , in la shaqaaleysiiyo 2000 oo dhakhaatiir ah oo aan hadda shaqeyn sidoo kalena dib u eegis lagu sameeyo qandaraaska shaqada ee dhakhaatiirta oo laga dhigo mid joogto ah oo ay qaadanayaan lacagta howlgabka,in la xoojiyo lacagaha gunnooyinka ee la xiriira halista dhanka shaqada, xarumo caafimaad oo loogu talagalay saraakiisha caafimaadka ee dhammaan ismaamullada iyo in la soo dhiso guddi dastuuri oo qaabilsan adeegyada caafimaad.
Digniintan aya soo saareen ayaa ku eg 6-da bisha Diseembar ee sannadkan oo ay micnaheedu tahay hadii aan dhibaatooyinka haysta wax laga qaban ay shaqo joojinta billaabanayso.
Guddoomiyaha ururka KMPDU Samuel Oraro ayaa wax laga qoomamoodo ku sheegay in dowladda aysan ka dhabeyn ballanqaadkii ahaa in ay badbaadinayso nolosha howlwadeenada caafimaadka ee safka hore kaga jiro la tacaalidda caabuqa corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here