Dhakhaatiirta Hong Kong oo ka soo horjeestay baaritaan wadareed

Qaar ka mid ah howlwadeenada caafimaadka ee Hong Kong iyo dadka u ololeeya arrimaha dimuqraadiyadda ayaa ka soo horjeestay in la sameeyo baaritaan wadareed ka dhan ah cudurka COVID19.
Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ah Joshua Wong waxayna ku baaqeen inaan laga qaybgalin baaritaanka guud ee ay dowladda Hong Kong qorsheynayso.
Barnaamijkan oo billaaban doono Talaadada ayaa waxaa qayb ka ah koox ka kooban 60 xubnood oo ah khuburro caafimaad oo ka soo jeedo Shiinaha.
Sido kale maamulka hoggaamiyo Hong Kong ayaa muddo hal sano ah ku kordhiyay mudada la qabanaya doorashada baarlamaanka oo loo ballansanaa bisha sagalaad ee sannadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here