Dhakhaatiirta ismaamulka Kakamega oo ku hanjabay inay shaqa joojin samaynayaan

Howlwadeenada caafimaad ee ismaamulka Kakamega ayaa soo saaray digniin ah inay 7 maalmood kaddib shaqo joojin ku dhawaqayaan.
Waxay dowladda ismaamulkaasi ka dalbanayaan inay musharaad siiso 5 ka mid ah dhakhaatiirta oo qaadanaya tababar la xariira shahaadada loo yaqaano post-graduate
Howlwadeenada ayaa ku doodaya in saraakiisha ay wada shaqeynayeen magacyadooda laga saaray liiska mushaar bixinta iyadoo aanan lagu wargelin ama tallaabadaasi faahfaahin laga bixin.
Sido kale dhakhaatiirta ayaa cabasho ka muujiyay inaan wax dallacsiin ah loo samayn afartii sano ee la soo dhaafay.
Dowlad deegaanka Kakamega aya ku eedeynayaan inaynan si buuxdo u fulin heshiis ku saleysnaa gorgortan oo la xariiray mushaar kordhin.
Waxay wacad ku mareen in haddii hal isbuuc gudihii aanan laga soo jawaabin cabashooyinkooda oo barasaabka Kakamega Mr. Wycliffe Oparanya uunan tallaabo degdeg ah qaadin, aynan iska xaadirin doonin xarumaha caafimaad ee ay ka shaqeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here