Dhakhaatiirta Kirinyaga oo racfaan ka qaadanaya go’aan ka dhan ah shaqa joojin ay ku guda jiraan

Howlwadeenada caafimaadka ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka ayaa wacad ku maray inay maxkamadda u gudbinayaan dacwad racfaan ah oo ay ku doonayaan in waxba kama jiraan laga soo qaado go’aan ay soo saartay maxkamadda shaqaalaha ee dalka.
Arrintan ayaa timid kaddib markii maxkamadda ay sheegtay in shaqa joojin ay dhakhaatiirta ku guda jiraan ay tahay mid sharci darro ah.
Xoghayaha ururka qaran ee dhakhaatiirta dalka ee KMPDU laantiisa gobolka bartmaha Gor Goody ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan tallaabo qaadayaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in go’aanka maxkamadda ka soo baxay uu walwal ku beeray howlwadeenada caafimaadka ee sida uu hadalka u dhigay u doodaya xuquuqdooda dastuuriga ah.
Dhanka kale barasaabka ismaamulka Kirinyaga Mrs. Anne Waiguru ayaa dhakhaatiirta shaqa joojinta ku howlan u qabatay in ugu dambeyn 12-ka duhurnimo ee maanta ay goobahoodi shaqo dib ugu laabtaan.
Bayaan ka soo baxay xafiiskeeda ayaa lagu sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo howlwadeenada caafimaadka haddii amarkan aynan u hoggaansamin.
Labada dhinac ayaa isku haya qodobo dhanka shaqada ah balse Anne Waiguru ayaa dhankeeda dhakhaatiirta ku dhaliilaysa inay danaha u gaarka ah ka hor marinayaan midda guud ee dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here