Dhakhaatiirta Kisumu oo shaqa joojin ay ku guda jireen soo afjaray

Howlwadeenada caafimaadka ee ismaamulka Kisumu ayaa soo afjaray shaqa joojin ay maalmihii la soo dhaafay ku guda jireen taasoo saameyn ku yeelatay shacabka.
Tallaabada ay dhakhaatiirtu qaadeen ayaa timid kaddib heshiis ay la saxiixdeen dowladda ismaamulkaas.
Waxay labada dhinac isku afgarteen qaabka loo dhaqangelinayo heshiis gorgortan ku saleysan.
Guddiga ururka dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) ayaa sheegay in la dallacsiiyay 111 howlwadeeno caafimaad ah.
Bayaan uu soo saaray xoghayaha ururkan ee gobolka Nyanza Dr. Lameck Omweri ayaa waxaa ku xusan in 26 dhakhaatiir ah lala yeelan doono wareysiyo shaqo inta u dhaxaysa 20-24-ka bisha koowaad ee sannadka 2020-ka.
Dr. Omweri ayaa intaas ku daray in 31 dhakhaatiir ay hadda qaab ku meel gaar ah ku shaqeynayaan oo saddexda bilood ee sannadka cusub ugu horreysa gudaheeda si buuxda loo howlgelin doono.
Waxaa uu sido kale xusay inuunan jirin dhakhtar loo ciqaabi doono maalmihii ay shaqa joojinta hadda la soo afjaray ay socotay.
Bayaanka ururka KMPDU ee gobolka Nyanza waxaa qeyb ka ah in dhakhtar kasta oo xilliga habboon helaya musharkiisa billaha ah oo dhameystiran.
Howlwadeenada caafimaadka ayaa dhanka kale laga dalbaday inay muddo 48 saacadood gudahood ah ku qaataan warqadaha muujinaya in la dallacsiiyay kaddibna ay dib ugu laabtaan xarumihii ay ka shaqeynayeen.
Sarkaalka ugu sarreeya wasaaradda caafimaadka ee dowlad deegaanka Kisumu ,Alphonse Ouya ayaa shacabka ku wargeliyay in shaqa joojintii si rasmi ah loo soo afjaray.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii dowladda ismaamulka Kisumu ay ku hanjabtay inay shaqada ka tireyso dhakhaatiirtii gadoodsanaa ee dallacsiinta dalbanayay ee hadda lala heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here