Dhakhaatiirta Kisumu oo shaqa joojin ku hanjabay

Howlwadeenada caafimaadka ee ismaamulka Kisumu ayaa sheegay inay toddobo maalmood kaddib guda galayaan shaqa joojin haddii aan wax laga qaban caqabado dhowr ah oo ay wajahayaan.
Waxyaabaha ay ka cabanayaan waxaa ka mid ah musharaad ay qaadan lahayeen oo aan weli la siinin.
Ku xigeenka xoghayaha guud ee ururka qaran ee kalkaaliyaasha dalka ee (KNUN) Maurice Opetu ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in howladeenada ka shaqeeya isbitaalada dowladda ee ismaamulka Kisumu ku yaallaa inay dhammaantood dhigayaan qalabka ay ku howlgalaan.
Maamulka barasaabka dowlad deegaankaasi Prof. Anyang’ Nyong’o- ayuu ugu baaqay inuu xal u helo tabashooyinka saraakiisha caafimaad.
Mr.Opetu ayaa intaasi ku daray in qaar ka mid ah dhakhaatiirta ay bilooyin dhowr ah shaqeynayeen iyagoo aan mushaar qaadan halka kuwo kalena si khalad ah lacago looga jaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here