Dhakhaatiirta Kisumu oo shaqa joojin soo afjaray

Howlwadeenada caafimaadka ee ismaamulka Kisumu ayaa soo afjaray shaqa joojin ay ku guda jireen waxayna sheegeen inay berri oo Jimco ah iska xaadirin doonaan goobihii ay ka shaqeynayeen.
Tani ayaa timid kaddib go’aan ka soo baxay maxkamadda shaqaalaha ee dalka.
Garsoore Nduma Nderi ayaa shalay dowladda ismaamulka Kisumu ku amray inay ugu dambeyn 30-ka bisha Toddobaad ee sannadkan dallacsiiso dhakhaatiirta.
Waxay maxkamaddu sheegtay in hadii aan amarkan la dhaqangelin, saraakiisha caafimaadka ay dib u billaabi karaan shaqa joojinta.
Xoghayaha ururka qaran ee kalkaaliyayaasha dalka ee (Knun) laantiisa Kisumu ,Maurice Opetu ayaa sheegay in amarka maxkamadda uu soo baxay kaddib qeylo dhaan ka soo yeertay shacabka oo ku aadan dhibaatooyinka dhanka adeegyada caafimaad ee ismaamulka .
Dhakhaatiirta ayaa wacad ku maray inaynan shaqeyn doonin hadii dowladda ismaamulka aynan si buuxda ugu hoggaansamin amarka maxkamadda.
Xoghayaha ururka dhakhaatiirta daawooyinka bixiya laantiisa Kisumu ,Craus Okumu ayaa dhankiisa sheegay inaynan marnaba u dulqaadan doonin in culeys dheeraad ah la saaro saraakiisha caafimaadka.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay Khasab tahay in dowladda ismaamulkaas ay fuliso go’aanka maxkamadda.
Dhakhaatiirta ayaa shaqa joojinta ay hadda hakiyeen guda galay iyagoo ka cabanaya mushaaraad ka dib dhacay , dallacsiin la’aan iyo gunnooyin la xiriira la tacaalidda cudurka Covid-19 .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here