Dhakhaatiirta Kuuriyada Koonfureed oo shaqo joojin billaabay

Saraakiisha caafimaad ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta guda galay shaqo joojin.
Waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya ee ku aaddan inay dib ugu laabtaan xarumihii ay ka howlgalayeen.
Tani ayaa timid kaddib markii kiisaska fayraska corona ay sii kordheen.
Dhakhaatiirta ayaa ka soo horjeedo qorsho ay dowladda dalkaas waddo oo ah in tababaro la siiyo arday dheeraad oo baranaya culuunta caafimaad.
Waxay sheegayaan in iyaga ay safka hore kaga jiraan maaraynta xaaladaha cudurka COVID19 sidaas awgeedna ay habboon tahay in mudnaanta koowaad la siiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here