Dhakhaatiirta Kuuriyada Koonfureed oo shaqo joojin soo afjaray

Saraakiisha caafimaad ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa lagu wadaa inay dib ugu laabtaan xarumihii ay ka shaqeynayeen kaddib markii maanta oo Jimco ah ay sheegeen inay soo afjareen shaqo joojin ay labo toddobaad ku howlanayeen.
Shaqo joojinta dhakhaatiirta ayaa saameyn weyn ku yeelatay dadalladii lagula tacaalayay fayraska corona ee wadankaas.
Laga soo billaabo 21-kii bishii hore waxaa gadood shaqo ku jiray in ka badan 16,000 oo howlwadeeno caafimaad ah waxayna ka soo horjeedeen qorsho la xiriira isbeddelo la doonayo in lagu sameeyo waaxda caafimaad taasoo hadda laga heshiiyay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here