Dhakhaatiirta Nairobi oo shaqo joojin soo afjaray

Saraakiisha caafimaadka ee ismaamulka Nairobi ayaa soo afjaray shaqo joojin ay ku guda jireen maalmihii la soo dhaafay kaddib heshiis ay wada saxiixdeen maamulka qaabilsan bixinta adeegyada bulshada ee caasimadda dalka ee NMS.
Waxaa wada-hadallada shaqo joojinta lagu soo gabagabeeyay sido kale qayb ka ahaa mas’uuliyiinta dowladda ismaamulka Nairobi.
Dhakhaatiirta ayaa ka maqnaa goobahooda shaqo tan iyo maalinkii Jimcada ee toddobaadkii hore.
Waxay cabasho ka muujinayeen inaan la dallacsiin , lacago ay xaq u leeyihiin oo ka maqan iyo caymiska caafimaad oo dhamaystiran.
Xoghayaha guud ee ururka dhakhaatiirta dalka ee KMPDU laantiisa Nairobi Thuranira Kaugiria ayaa sheegay inay soo afjareen shaqo joojinta oo ayna sida ugu dhaqsiyaha badan dib u billaabayaan u adeegidda shacabka.
Mr. Kaugiria ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka NMS uu ogolaaday in dhakhtar kasta uu helo caymiska caafimaad ee NHIF.
Sido kale dhinacyadan ayaa ku heshiiyay in la dallacsiiyo ku dhawaad 220 oo saraakiil caafimaad ah.
Mas’uulkan ayaa intaa ku daray in laga billaabo 4-ta bisha sagalaad ee sannadkan dhammaan howlwadeenada ay helayaan caymiska qaran ee caafimaadka ee NHIF.
Waxaa uu intaa ku daray in maamulka NMS uu sido kale bixin doono lacago aan tan iyo bishii saddexaad la siin dhakhaatiir ka shaqeeya isbitaallada Mbagathi, Mama Lucy iyo Pumwani.
Mr. Kaugiria ayaa xusay in maamulka NMS laga doonayo inuu si buuxda u dhaqangeliyo qodobbada heshiiska .
Waxaa uu wacad ku maray in hadii aan laga dhabeyn heshiiskan , dhakhaatiirta ay dib u billaabayaan shaqo joojinta ay soo afjareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here