Dhakhaatiirta Nigeria oo shaqo joojin billaabay

Howlwadeenada caafimaadka ee ka shaqeeya isbitaallada dowladda dalka Nigeria ayaa maanta guda galay shaqo joojin iyagoo dalbanaya in mushaar kordhin loo sameeyo.
Ururrada saraakiisha caafimaad ayaa sido kale sheegay inay doonayaan in wax laga beddelo xaaladaha ay dhakhaatiirta ku howlgalaan.
Waxaa shaqo joojinta ku dhawaaqay ururka (NARD) oo ay xubno ka yihiin boqolkiiba 40 ee dhakhaatiirta Nigeria.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo wadankaas uu si la mid ah dalalka kale ee caalamka uu ula daala dhacaya cudurka COVID19.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here