Dhakhaatiirta oo ay caqabad ku tahay la tacaalidda COVID19

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr. Patrick Amoth ayaa sheegay in dhakhaatiirta ka howlgalo isbitaallada kala duwan ee wadanka ay caqabad ka haysato la tacaalidda cudurka COVID19.
Caqabaddan ayuu ku sheegay xaqiijinta badqabkooda iyo badbaadinta nolosha bukaannada uu xanuunka soo ritay.
Dr. Amoth ayaa sheegay in tan iyo bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan uu fayraska corona saameeyay 186 oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka.
Waxaa uu dhanka kale xusay in ilaa iyo hadda uunan jirin dhakhtar u dhintay cudurka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ayaa intaa ku daray in dowladda ay ka go’an tahay badbaadinta nolosha saraakiisha caafimaadka oo ayna siinayso qalabka ay u baahan yihiin.
Mas’uulkan ayaa carrabka ku adkeeyay in howlwadeeno dhawaan la soo tabiyay in fayraska corona uu ku saameeyay isbitaalka Shalom Hospital ee degmada Athi River ee ismaamulka Machakos ay hadda xaaladooda caafimaad soo hagaagayso.
Dowladda dhexe ayaa ku dadaalaysa inay shaqaleysiiso dhakhaatiir dheeraad ah si ay ugu filnadaan daryeelka shacabka raadsanaya adeegyada caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here