Dhakhaatiirta shaqa joojinta ku howlan ee Kisumu oo muddo kama dambeys ah loo qabtay

Dowladda ismaamulka Kisumu ayaa howlwadeenada caafimaadka ee shaqa joojinta ku guda jiro ka dalbatay inay sida ugu dhaqsiyaha badan dib ugu laabtaan isbitaalladii ay ka shaqeynayeen.
Maamulka uu hoggaamiyo Prof.Anyang’ Nyong’o ayaa wacad ku maray in dhakhaatiirta aan amarkan u hoggaansamin shaqada laga tiri doono.
Ilaa 128 howlwadeeno caafimaad ah ayaa dalbanaya in la dallacsiiyo.
Ururka ay ku mideysanyihiin dhakhaatiirta dalka ee (KMPDU) laantiisa Kisumu ayaa gaashaanka u daruuray digniinta dowladda ismaamulka.
Wasiiradda caafimaadka ee dowlad deegaanka Kisumu Prof. Judith Attyang ayaa sheegtay inaan marnaba loo dulqaadan karin in culeys dheeraad ah uu ku yimaado dadweynaha u baahan adeegyada caafimaadka.
Shaqa joojinta dhakhaatiirta Kisumu oo soo billaabatay 6-dii bishan Diseembar ayaa shacabka ku qasabtay inay daryeel caafimaad ka raadsadaan isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay.
Guddoomiyaha dalladda KMPDU ee gobolka Nyanza oo ay Kisumu ka tirsan tahay Dr. Osuri Kevin ayaa dowladda ismaamulka ku eedeyay inay u hanjabayso saraakiisha caafimaadka balse aynan diyaar u ahayn inay xalliso tabashooyinkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here