Dhakhaatiirta shaqo joojinta sameeynaya ee Nairobi oo la tiraya

Dowladda ismaamulka Nairobi ayaa ku hanjabtay inay shaqada ka tiri doonto dhakhaatiirta qaabilsan bixinta daawooyinka kuwaaso gadood shaqo ku guda jiro.
Shalay ayay ahayd markii xubnaha ururka ay dhakhaatiirtan ku mideysanyihiin ee KUCO ay socdaal ku tageen xarunta City Hall.
Waxay dowladda ismaamulka Nairobi ku eedeynayaan inay iska dhaga tirtay cabashooyin ay u gudbiyeen oo ayna ka gaabisay in lacago gunnooyin ah ay siiso in kastoo miisaaniyaddaasi uu ansaxiyay golaha hoose ee ismaamulka Nairobi.
Howlwadeenada ayaa ku doodaya in tan iyo markii arrimaha caafimaadka la daadajiyay ay caqabado dhowr ah la kulmeen.
Qodobada ay dalbanayaan in si buuxda loo dhaqangeliyo waxaa ka mid ah in dallacsiin loo sameeyo.
In ka badan 83 ka mid ah xarumaha caafimaadka ee Nairobi ayaa laga cabsi qabaa inay saameyso shaqo joojinta dhakhaatiirta.
Sii hayaha xilka wasiirka caafimaadka ee dowlad deegaanka Nairobi Vesca Kagongo ayaa warbaahinta u sheegay inay wadaan geedisocod lagu dallacsiinayo in ka badan 2000 oo saraakiil caafimaadka ah oo isugu jiro kuwa bukaannada daawooyinka siiya iyo kalkaaliyayaal.
Waxaa uu Mr. Kagongo hoosta ka xarriiqay in shaqa joojinta dhakhaatiirta aynan waafaqsaneyn heshiis dhawaan la gaaray.
Sido kale mas’uulkan ayaa xusay in dhaqaale gaaraya 130 milyan oo shilin loo qoondeeyay in lagu qarash geliyo sidii looga dhabeyn lahaa dalabaadka 2153 oo ah howlwadeeno caafimaad.
Dhanka kale howlwadeenada caafimaad ee ismaamulka Taita Taveta ayaa weli ku adkeysanaya inaynan soo afjari doonin shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen ilaa iyo inta laga xallinayo waxyaabo ay tabanayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here