Dhakhaatiirta Siaya iyo Nyamira oo maanta shaqo joojin sameynaya

Howlwadeenada caafimaad ee ismaamullada Siaya iyo Nyamira ayaa lagu wadaa inay maanta dhigaan qalabka ay ku shaqeyaan.
Dhakhaatiirtan ayaa cabasho ka muujinaya inaan mushaar la siin xilliga haboon.
Waxay ku biirayaan saraakiisha caafimaad ee ismaamulka Homa Bay oo dhawaan shaqo joojin sameeyay.
Sido kale howlwadeenada ayaa ka walacsan badqabkooda maadaama ay safka hore kaga jiraan la tacaalidda cudurka COVID19.
Waxay sido kale dalbanayaan in la dallacsiiyo oo si buuxda loo dhaqangeliyo heshiisyo gorgortan ku saleysnaa oo horay loo saxiixay.
Shaqo joojin dhakhaatiirta ayaa ah caqabad caafimaad oo soo wajahday gobolka Nyanza.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo saraakiisha caafimaad ee ismaamulka Kisii oo gadoodsanaa ay shaqooyinkooda dib ugu laabteen Arbacadii la soo dhaafay kaddib toddobaad ay ka maqnayeen xarumaha caafimaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here