Dhakhatiirta Busia oo berri shaqa joojin sameynaya

Howlwadeenada caafimaadka ee ismaamulka Busia ayaa wacad ku maray in laga billaabo berri ay guda galayaan shaqa joojin.
Waxay cabasho ka muujinayaan in dowladda ismaamulkaas ay ku guul dareysatay inay bixiso lacagaha gunnooyinka ee la xiriira halista dhanka shaqada.
Sido kale howlwadeenada ayaa dalbanaya in la dallacsiiyo saraakiisha ku jiro heerarka hoose ee dhinaca shaqada, in mushaar kordhin loo sameeyo kuwa qaabka qandaraaska ah ku shaqeeya sido kalena loogu daro gunnooyinka.
Xoghayaha ururka dhakhatiirta ee daawooyinka bixiya laantiisa Busia ,Philemon Nakoche ayaa hoosta ka xarriiqay inaan arrinkan laga laaban doonin ilaa iyo laga xallinaya tabashooyinka ay qabaan.
Jimcihii la soo dhaafay ayay ahayd markii dowladda ay sheegtay inay berri oo isniin ah kulan la qaadan doonto howlwadeenada caafimaad ee qorsheynaya inay shaqa joojin qaran ku dhaqaaqaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here