Dhakhatiirta dalka oo hakiyay shaqa joojin ay doonayeen inay maanta ku dhaqaaqaan

Howlwadeenada caafimaadka ee dalka gaar ahaan kalkaaliyayaasha iyo saraakiisha daawooyinka bixiya ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay qorsho ku aadanaa in laga billaabo maanta ay guda galaan shaqa joojin qaran.
Waxay sheegeen in Kenyaanka ay wajahayaan dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin cudurka covid-19 iyo daadadka sidaas awgeedna aynan doonayn inay culeys dheeraad ah u horseedaan.
Xoghayaha guud ee ururka qaran ee kalkaaliyayaasha wadanka ee (KNUN) Mr.Seth Panyako iyo dhigiisa ururka (KUCO) George Gibore ayaa sheegay in go’aanka ay qaateen ay uga gol leeyihiin inay dowladda fursad u siiyaan wada hadal.
Mr. Panyako ayaa xusay inay maamulka talada haya ee Jubilee ka war sugayaan 21 cisho oo lagu xallinaya tabashooyinka ay qabaan.
Waxaa uu saraakiisha caafimaadka ugu baaqay inay sidii caadiga ahayd shaqooyinkooda u sii wataan ilaa amar dambe.
Xoghayaha kalkaaliyayaasha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in shaqa joojin lagu dhaqaaqo ay tahay tallaabada ugu dambeysa ee la adeegsan karo si dowladda loogu cadaadiyo tixgelinta cabashada dhakhatiirta.
Mr. Panyako ayaa intaa ku daray in maalinkii Jimcaha ee toddobaakdii hore ay kulan la qaateen wasaaradda caafimaadka oo ayna labada dhinac isla meel dhigeen waxyaabaha u baahan in xal waara laga gaaro.

Horraantii bishan ayay ahayd markii dhakhatiirta dalka ay soo saareen digniin ku aaddan inay dhigayaan qalabka ay ku shaqeyaan.
Waxyaabaha ay dalbanayaan waxaa ka mid ah in laga qanciyo dhanka lacagaha gunnooyinka ee la xiriira halista dhinaca shaqada.
Howlwadeenada ayaa sido kale doonaya in la siiyo qalab ku filan oo ay uga gaashaaman karaan cudurka ay la tacaalayaan ee covid-19.
Sido kale waxay sheegayaan inaan la siin wax tababar ah oo ku aaddan caabuqa corona halka xaaladaha ay ku shaqeeyaanna ay ku tilmaameen kuwo aan wanaagsaneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here