Dhakhatiirta Mandera oo shaqooyiinka bilaabaya

Dhkatiirta ismamulka Mandera ayaa dib ugu soo labatay shaqada ka dib markii ay mudda lix maalmod ah shaqada ka maqnaayeen.
Dr Ibrahim Maalim oo ah xoghayaha Ururka ay ku mideysanyihiin dhakhatiirta ee KMPDU ayaa xaqiijiyay inay heshiis gaareen isaga oo sheegay inay shaqada dib ugu laabnayaan tan ila iyo manata .
Madaxa KMPDU ayaa sheegay in hoggamiyasha ismamulka ay ku heshiiyeen inay u fuliyaan waxyaabaha ay doonayaan.
Sida uu sheegayo Dr.Maalim dowlada Guddoomiye Ali Roba waxay ogolaadeen inay dhakhatiirta u fasaxayaan waxbarashada dheeradka ah balse iyada oo la qiimeynaya baahida.
Waxa uu xusay in Ismaamulka ay xalinayaan dhamaan musharadka iyo gunnooyinka dhakhatiirta ka dib markii ay la tashadeen guddiga mushaaradka iyo gunnoyiinka.
Dhakhatiirta Mandera ayaa digniin jeediyay 19-kii Bishii aynu soo dhafnay waxayna shaqa joojinta ku dhaqaaqeen 4-tii Bishan July.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here