Dhalinyarada oo loogu baaqay inay Dowladda kala shaqeeyaan la tacaalidda Covid-19

Dowladda dhexe ayaa dhalinyarada ku boorrisay inay kaalin weyn ka qaataan wax ka qabashada cudurka Covid-19 ee kiisas la xiriira gudaha wadanka laga xaqiijiyay.
Waxaa baaqan soo saaray wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in dhalinyarada ay tahay laf-dabarka bulshada tiro ahaanna ay badan yihiin sidaas awgeedna iyagoo kooxo ahaan isku abaabulaya ay door weyn ka qaadan karaan xakameynta faafitaanka xanuunka dunida saameynta ba’an ku haya.
Ilaa iyo galinkii dambe ee shalay waxay dowladdu xaqiijisay in cudurka laga helay 126 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here