DHAGEYSO:Dhalinyaro careysan oo booliska ka hor istaagay inay galaan guriga xildhibaan Sudi

Boqolaal dhalinyaro ayaa xiray wadada hor marta hoyga mudanaha deegaanka Kapseret ee ismaamulka Uasian Gishu Oscar Sudi iyagoo isku dayay inay ka hor istaagaan saraakiisha booliska oo doonayay inay xiraan xildhibaanka.
Booliska ayaa waqti badan ku mashquulsanaa xakameynta koox dhalinyaro ah oo careysan ku waas oo ka soo horjeedo in la xiro xilidhibaankooda.
Goobjoogayaal ayaa waxay warbaahinta u sheegeen in hal qof uu ku dhaawacmay intii lagu guda jiray iska hor imaatka booliska iyo taageerayaasha xildhibaanka.
Saraakiil uu hor kacayay taliyaha booliska ee ismaamulka Uasin Gishu Johnstone Ipara ku waas oo taagna binaanka hore ee hoyga Mr Sudi ayaa waxay qareenkiisa Gladys Boss weydisteen inay ku qanciso inuu soo baxo oo u saraakiisha isu dhiibo.
Ms. Gladys Boss oo ah qareenka Mr sudi , sidoo kalena ah wakiilka haweenka ee Uasin Gishu, ayaa sheegtay in saraakiisha booliska ay yimaadeen guriga xildhibaanka abaaro 3-dii arrornimo ee saaka waxayna taliyaha booliska Uasian gishu ku eedeesay inaysan soo marin wadada saxda ee lagu soo xirayo mudanaha
Waxay intaa ku dartay inay sugaan ilaa maalinta warqaad waaran oo lagu soo xirayo loo soo gudbiyo xildhibaanka.
Mr sudi ayaa dhawaan jeediyay hadallo si weyn looga fal celiyay oo uu eedeyn ugu jeediyay madaxweynaha dalka isagoona sheegay inuusan raali gelin ka bixin doonin.
Xildhibaanka deegaanka Kapseret , Oscar Sudi ayaa sidoo kale cambaareeyay xariggii dhigiisa Emurua Dikirr isagoona tallaabadaas ku tilmaamay mid lagu doonayo in lagu aamusiiyo dadka dowladda talada haysa dhaliilsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here