Dhalinyaro dhaliilay olole xilka looga qaadayo wasiirka gaadiidka

Dhalinyarada ismaamulka Murang’a ee gobolka bartamaha dalka ayaa ka soo horjeestay qorsho la doonayo in xilka looga xayuubiyo wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka ee wadanka Mr. James Macharia.
Tani ayaa timid kaddib markii xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Nyali ee ismaamulka Mombasa Maxamad Cali uu sheegay inuu baarlamaanka u gudbiyay mooshin lagu dalbanaya in Macharia uu xafiiska banneeyo.
Mudanaha ayaa wasiirka gaadiidka ku eedeeyay anshax xumo iyo ku xadgudubka dastuurka.
Mooshinka ayuu sheegay inay saxiixeen 90 xildhibaan waxaana James Macharia lagu dhaliilay inuu wax ka qaban waayay mashaariic ku kacaya 100 bilyan oo hadda joogsaday .
Wasiirka Gaadiidka ayaa sido kale lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu sharaxo halka ay ka baxday 1.5 bilyan taas oo loogu talagalay in lagu dhiso mashruucyo guriyeyn ah magaaladatan Nairobi.
Xildhibaanka Nyali, ayaa intaa ku daray in mr. Macharia uu ku gacan seeray saahmilayda gaadiidka kaas oo ahaa in alaabada ka soo dagaya dekedda Mombasa lagu safriyo tareenka casriga ah.
Karraaniga baarlamaanka Michael Sialai ayaa xaqiijiyay inuu helay mooshinka xildhibaanka Nyali.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here