Dhallinyarada oo loogu baaqay inay ka faa’iidaystaan mashruuc ay ku baxayso 15 bilyan

Dowladda dhexe ayaa dhallinyarada ku nool 17 ka mid ah ismaamullada dalka ku boorisay inay ka faa’iidaystaan mashruuc shaqo abuur loogu sameynaya oo ay fulinayso wasaaradda warfaafinta .
Ismaamullada da’yarta ku nool baaqa loo diray ayaa kala ah 17 Mombasa, Kilifi, Nairobi, Nakuru, Kiambu, Nyandarua, Mandera, Turkana, Wajeer, Bungoma, Kakamega, Kisumu, Kisii, Machakos, Kitui iyo Migori .
Liiska dowlad deegaanadan ayaa la soo saaray kaddib qiimeyn lagu sameeyay tirada dadweynaha , heerka saboolnimada , fursadaha shaqo iyo ganacsi ee dhallinyarada u furan iyo hay’adaha barnaamijkan hirgelin karo ee ismaamullada ka howlgalo.
Waxaa barnaamijkan lagu qarash gelinayaa 15 bilyan oo shilin.
Xoghayaha sare ee wasaaradda ICT-da ee dalka u qaabilsan dhanka maamulka Nadia Axmed Cabdalla ayaa sheegtay in dowladda ay mashruucan ku bartilmaameedsanayso in ka badan 50,000 oo dhallinyaro ah iyadoo loo maraya barnaamijka shaqo abuurka ee (KYEOP).
Ms Cabdalla ayaa sido kale hoosta ka xarriiqday in bangiga adduunka uu lacago ugu deeqay mashruuca KYEOP si dhallinyaro badan ay u helaan tababaro ku saabsan xirfado ay ku shaqeysan karaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here