Dhamaan Ciyaaraha gudaha Soomaaliya oo la joojiyay.

Wasiirka wasaarada dhalimyarada iyo Ciyaaraha dowlada Fedraalka Soomaaliya Marwo khadiija Maxamed Diiriye ayaa ku dhawaaqday in Gabi ahaanba dalka Soomaaliya laga joojiya Ciyaaraha Kooxaha kala duwan,gobolada iyo Tartamadii socday.
Wasiir Khadiiyo oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in laga Bilaabo maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 19 bisha Sadexaad ay joojiyeen dhamaan Ciyaaraha guda mudo 15 cisho.
Sidoo kale wasiirada ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaaran tahay inay markasta Taxadar dheeraada ah suubiyaan ayna ka qayb qaataan ka hortaga Cudurka CoronaVirus ee dunida uu dhan Jaahweererka ku riday ilaa iyo hadana aan xal loo helin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here